Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Ugu Ambo Baxay Dalka Turkeyga Iyo U Jeedada Socdaalkiisa

0
37

Turkey (Tayosame news) Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugnaa wadanka Djibouti ayaa safar ugu baxay wadanka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaado doono dhigiisa wadanka Turkiga, isaga oo xusay inay ka wada hadli doonaan adkaynta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa la filayaa inuu wadanka Turkiga kaga qayb gali doono munaasibad weyn oo lagu xusayo 60 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay xisbiga haya talada dalkaasi ee AK Part.

Dhinaca kale khilaaf safarka madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaya wakhti uu khilaaf xoogani u dhaxeeyo wadamada Maraykanka Iyo Turkiga, iyada oo aanay dawlada soomaaliya wali soo bandhigin wadanka ay taageersan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.