Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaalkiisii Gobolada Dalka Ku Soo Afjaraya Degmada Hobyo

0
178

Hobyo (Tayosame News) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo labo todobaad socdaal ku marayay gobolada dalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in socdaalkiisa uu ku soo afjaro magaalo xeebeedka Hobyo, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhoweynayo.

Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabanaya magaalada Cadaado, isagoo la kulmaya waxgaradka iyo odayaasha reer Cadaado oo cabasho ka muujiyay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, iyagoo qaadacay ka qeyb galka munaasabadii midowga labada maamul ee ka dhacday Dhuusa Mareeb.

Xaalada ka taagan degmada Cadaado ayaa ah tan ugu adag ee Madaxweyne Farmaajo la kulmi doono, marka loo eego safarkiisa deegaanada Galmudug oo aanu caqabado ah kala kulmin, hase ahaatee gadoodka ay sameeyeen Beesha Cadaado ayaa u baahan xal ka gaarid.

Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa maalmo ka hor soo saaray amar ay uga mamnuucayaan inuu magaalada soo galo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbi doona magaalada Hobyo, halkaasoo ay ku sugan yihiin wafdi Xildhibaano iyo Senator uu hoggaaminayo Cabdi Qeybdiid, Madaxweynaha ayaa marka uu tago Hobyo dhagax dhigi doona Dekeda Hobyo oo ah mid istiraatiiji ah.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo 7-dii bishan ka bilowday Garowe ayaa safar ku maray magaalooyin iyo deegaano ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waana socdaalkii ugu dheeraa ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku maro Gobolo ka tirsan dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.