Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shir Gudoomiyey Maanta Shir Lagaga Hadlay Ballaadhinta Mashruuca Dawladaha Hoose Ee Gobolada Bariga Iyo Hirgelinta Mashruuca JPLG

0
17

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gudoomiyey Shirka guddida golaha wasiirada ee maamul daadejinta (IMC Meeting) shirkaas oo seddexdii biloodba hal mar qabsooma ujeedadiisuna la xidhiidho sidii warbiximo loogu kala qaadan lahaa waxyaabihii qabsoomay mudadaasi.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay balaadhinta mashruuca dawladaha hoose ee gobolada bariga iyo hirgelinta mashruuca JPLG oo bilaami doona horaanta bisha 11aad iyadoo la gaadhsiin doono degmooyinka Ceerigaabo, laascaanood iyo caynaba.

Ugu danbayntiina waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucani hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.