Berbera (Tayosame news) madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa amar xayiraad ah kusoo rogay dhul muhiim u ahaa dekeda magaalada berbera oo wakhtigii xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo siisay shakhsiyaad iyo siyaasiyiin ka agdhawaa xukuumaddaasi una sharciyaysay, taas oo shakhsiyaadkaasina ay dhulkaasi dekeda berbera muhiimka u ah ciid kazoo buuxiyeen qayb kamid ahna dayr lagu soo wareejiyey.
Waxaana madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu amar madaxwayne ku xayiray dhulkaasi oo ahaa Raasigii dekeda Berbera,isla markaana ah dhul muhiim u ah dekeda berbera oo ay Biyaha baddu kusoo caaridaan,marka ay baddu fatahdo.
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa uu amar ku bixiyay sida la sheegay in dhulkaasi la xayirayo.isaga oo maamulka gobolka saaxil ka degmada Berbera iyo maareeyaha faraca dekeda berberana amar ku siiyay in dhulkaasi sidaas lagu xayiro sharcigana loo siiyeyna laga qaado cid kaste oo dhisanaysa dhulkaasi.
Dhulkan Raasiga Berbera ayaa waxa hore u xayiray madaxwaynihii labaad ee Somaliland Marxuum
Maxamed XAaji Ibraahim cigaal,waxaana sii adkeeyey oo fuliyay Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin laakiin waxa bixiyey madaxweyne siilaanyo oo dadkii ugu dhowaa siiyey balse hada waxa xayiray madaxweyne muuse biixi