Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xilka loo Dhaariyey iyo Wufuudii Ugu Heersaraysay Oo Kasoo Qayb Gashay

0
375

Hargeisa (Tayosame news)   Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka loo dhaariyay.

Xafladda dhaarinta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici waxaa ka qayb galay wufuud balaadhan oo ka kala yimid guud ahaan wadamadda jaarka ah.

Wafdi ka socda dalka  Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaadhan oo dhan 38 ruux, waxaana hogaaminaya wasiirradda caddaaladda iyo beeraha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh iyo Maxamed Axmed Cawaale.

Waxaa kaloo jira wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar, oo ay ku jiraan madax dhaqameedyo waaweyn oo uu ka mid yahay Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo ah ugaaska guud ee beesha Ciise.

Waxaa kaloo xafladda ka qayb gelaya shakhsiyaad Soomaali oo caan ah sida Bile Rafle guuleed oo sanadihii todobaatameeyadii badhasaab ka ahaan jiray gobolka togdheer iyo gobolkii woqooyi galbeed oo wax weyn ka qabtay naqashadeynta iyo jidadka magaalooyinka Hargeysa iyo burco, waxaa kale oo dadka magaca leh ka mid ah abwaanka wayn ee caanka ku ah xagga kitaarka Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, labadooduba waxay ka yimaadeen Qaaradda Yurub.

Waxaa xafladdan xilwareejinta ee madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka ku wareejinayo maanta madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi ka mid ah wufuudda joogta wafdi ka socda urur goboleedka bariga afrika ee IGAD iyo danjireyaal reer Galbeed ah oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi.

Dad gaadhaya 1500 qof ayaa xafladda lagu martiqaaday oo reer Somaliland u badan uuna ka mid yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.