Zimbabwe (Tayosame news) -Dareen farxadeed iyo damaashaadyo ayaa ka dhacay dariiqyada magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe kadib markii uu is casilay madaxweynihii dalkaasi Robert Mugabe oo muddo 37 sanadood talinayay. Markii waraaqdiisa is casilaada laga hor akhriyay fadhi wadajir ah oo ay lahaayeen labada aqal ee baarlamaanka ayay markaliya xildhibaanada jaan iyo qoob isla heleen iyaga oo ay ka muuqato qiiro farxadeed. Kalfadhiga labada aqal ayaa waxaa looga doodayay mooshin kalsoonida loogu weeydiinayo Mugabe.
Iyada oo ay jiraan dabaaldegyadaasi ayaa haddane Zimbabwe waxa ay ku waa bariisanaysaa mustaqbal hubanti la’aan . Mr Emmerson Mnangagwe oo lagu wado in uu badalo Mugabe waxa uu saaxiib dhow la ahaa Mugabe, wuxuuna leeyahay taariikh mayal adaygnimo ah. Hoggaamiyaha mucaaradka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa sheegay in loo baahanyahay in la jeexo geedi socod cusub oo lagu gaaro doorashooyin xaq iyo xalaal ah oo dalkaas ka dhaca.
Iscasilaadda ayaa joojisay kulankii baarlamaanka ee codka kalsoonida xildhibaanada loogu weeydiinayay madaxweynaha.
Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Hararee iyaga oo u dabaaldegaya iscasilaadda Mugabe, islamarkaasna rajaynaya in Zimbabwe ay soo hagaagto.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay waxa dhacay, waa waqtigii ugu wanaagsanaa ee isoo marar” ayuu yiri Julian Mtukudzi oo ka mid ahaa dadkii dabaaldagayay , lana hadlay wakaaladda wararka AFP.
Haweenay u ololeysa xuquuqda dadka, islamarkaasna ah musharax hadda taagan Vimbaishe Musvaburi ayaa baroor la dhacday xili ay BBC-da u waramaysay farxad darteed.
Afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda ayaa shaaciyay is casilaadda Mugabe.
Waraaqda uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaaray go’aankas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.
Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.
Waraaqdu ma aysan sheegin cidda Mugabe xilka kala wareegi doonta, balse waxa ay qirtay in xil ka dagista ay tahay mid si dhaqso ah u hirgalaysa.
Dastuurka dalkaasina wuxuu qabaa in uu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka talada haya Phelekezela Mphoko, kaas oo aad u taageersan xaaska madaxweynaha Grace Mugabe.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada.
Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.
Intii wakhtigaas ka dambaysayna Mugabe ayaa doorashooyinka ku guulaysan jiray, balse 15kii sano ee u dambeeyay waxaa hareeyay rabshado ka dhan ahaa dadka ka soo horjeeda.
Dhaqaalaha dalkaas oo dhulka ku sii hoobanaya ayuu dalka soo maamulayay, dadka Zimbabwena 15% ayay hadda ka fiqiirsan yihiin sidii ay ahaayeen 1980kii.