Madaxweyne Trump Oo Ku Guuleystay Murankii Xayiraada Socdaalka

0
15

USA (Tayosame news)  Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go’aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

Go’aankan ayaa xoojinaya siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go’aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ayaa qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah ayaa raali ku ahaa in uu wali sii laalnaado go’aanka madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.