Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Deeqaha Ka Goosan Doono Wadamada Kasoo Hor Jeesta Arrintiisa Qudus

0
14

USA (Tayosame news) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo hor jeestay in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Bishan horraanteedii ayuu Trump gaadhay go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay, “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta, codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.