Madaxweyne Xabsiga Ku Jiray Oo Cusbitaal Loola Cararay iyo Xaaladiisa Hada

0
207

Peru (Tayosame news) Madaxweynihii hore ee Peru Alberto Fujimori oo 79 jir ah ayaa xabsiga laga soo saaray oo isbitaal loo qaaday, sababo la xidhiidha garaaca wadnihiisa, iyo cadaadiska dhiigiisa oo hoos u dhacay.

Dhakhtarkiisa oo ay soo xigatay warbaahin maxalli ah ayaa sheegay in khubaro ku takhasustay cudurrada wadnaha ay ku taliyeen in degdeg loo dabiibo.

Fujimori oo awoodda hayey 1990 – 2000 ayaa iminka waxaa u socda xabsi 25 sano ah, ayadoo lagu helay inuu gaystay gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Qaar ka mid ah dadka Peru waxay ku amaanaan inuu la dagaallamay falaagada Maoist, halka kuwa dhaliila ay ku tilmaamaan kaligii taliye musuqmaasuq ku adeegta.

2007 ayaa lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay laaluush iyo ku takrifal awoodeed.

2009 wxaa loogu sii daray 25 sano oo xabsi ah, ayadoo lagu helay tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah xilligii uu xafiiska hayey, kuwaasoo ay ku jiraan dilal la amray oo ay fuliyeen ciidamo dadka laaya.

Sannadihii uu dambeeyey ayuu dhowr goor isbitaal isaga daba laabtay xanuunno kala duwan dartood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.