Madaxweynihi Hore Axmed Siilaanyo Oo Faysal Cali Waraabe Booqasho Tacsi Ah Ugu Tegay

0
28

Hargeisa (Tayosame News)  Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan tacsi ah ugu tegay gurigiisa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe oo wiil uu dhalay dhawaan ku geeriyooday dalka Suuriya.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu sheegay aabbihii.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. Xuseen waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.