Magacyada Labo Qof Oo Mareykanku Ku Daray Liiska Madaxda AlShabaab Ee La Baadi goobayo

0
146

Somalia (Tayosame news) Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa laba nin oo Kenya u dhalatay ku daray liiska hogaamiyayaasha Al-Shabab ee la baadigoobayo.

Arrintani ayaa lagu dhawaaqay xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rix Tilison uu qaarada Afrika ku marayo booqashadiisii ugu horreysay.

Axmad Iman Cali iyo Cabdi fatax Abubakar Cabdi ayaa la rumaysan yahay in ay yihiin abaanduulayaal ka tirsan kooxda Al-Shabab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya. Cali ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa weerarkii dhimashada badan sababay ee bsihii January ee 2016 lagu qaaday saldhig ay militariga Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel-cade ee Koonfurta Soomaaliya.

Axmad Iman Cali ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dadka Kenyanka ah uu qoro si ay Al- Shabab ugu dagaalamaan.

Cabdifatax Abubakar Abdi ayaa looga shakisan yahay in uu hogaaminayay weerarkii 50 qof ay ku dhinteen ee 2014 lagu qaaday magaalada Mpeketoni ee ku taalla gobolka Xeebta Kenya. Labadani nin ayaa la rumaysan yahay in imika ay ku sugan yahiin Soomaaliya.

Al-Shabab kama aanay hadlin eedeeymahan. In ka badan 10 sano, kooxda waxay weeraro ka fulinayeen gudaha Soomaaliya iyo dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.Ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah 20,000 ee askari ee ka socda midowga Afrika islamarkana gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Al- Shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.