Iran (Tayosame news) Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay in xukuumadda Iran ay sii deyso dhammaan dadkii lagu xidhxidhay intii ay socdeen dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay dalkaasi ee dhanka ahaa xukuumadda.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in maamulka Trump uu si qoto dheer uga walaacsan yahay in xukuumadda Iran ay xabsiga u taxaabtay kumanaan qof oo ka qeyb qaadanayay wax ay ku tilmaantay dibadbaxyo nabad ah.
Ilaa iyo haatan lama garanay tirada rasmiga ah ee dadka la xidhxidhay,haseyeeshee waxaa la xaqiijiyay ku dhawaad kun qof oo rayid ah, balse illo wareedyo kale oo ku sugan gudaha Iran ayaa tirada intaasi ka badinaya.
Taageeradan cusub ee Mareykanku u muujiyay diabadbaxayaasha ayaa kusoo beegmeyso xilli madaxweyne Trump uu go’aansanayo muddo u kordhinta cunaqabateynaha saaran Iran ka hor inta aan la gaadhin muddada kama dambeysta ah oo ku began Jimcaha.