Markab Ciidanka Badda Ruushka ah oo ku Xidhay Koonfur Afrika

0
69

Ururka Ukraine ee Koonfur Afrika ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka dhawaan loo ogolaaday in uu dhowr maalmood ku xidhnaado dekedda Cape Town. Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in dhacdadani ay su’aal gelinayso mawqifka dhexdhexaadnimada ah ee ay Pretoria ka qaadatay khilaafka Ruushka iyo Ukraine.

Ururka Ukraine ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen markii ay ogaadeen markabka tababarka ciidamada badda ee Ruushka Smolnyy oo ku soo xidhsy dekedda Cape Town dabayaaqadii bishii Agoosto.

Intii markabka uu ku xidhnaa Koonfur Afrika, duqeymaha Ruushka ee Ukraine ayaa dilay dad badan oo ay ku jiraan carruur, ayay tidhi Dzvinka Kachur oo ka tirsan ururka.

“Dhanka kale, markab tababar militari oo Ruushku leeyahay ayaa ku soo xidhay Cape Town ayaa lagu soo waramayaa inuu xoojinayo xidhiidhka milatari ee ka dhexeeya dalalka,” ayuu yidhi Kachur.

Qunsuliyada guud ee Ruushka ee Cape Town ayaa ku sheegtay X akoonkeeda August 30 in taliska markabka uu la kulmay dhiggiisa ciidamada badda ee Koonfur Afrika ayna marti galiyeen soo dhawayn “ujeedkiisuna yahay in lagu xoojiyo xidhiidhka laba geesoodka ah.” Markabkan ayaa soo galay safar dheer oo ay ka mid ahaayeen in tegay Cuba iyo Venezuela.

“Ururka Yukreeniyaan ee Koonfur Afrika wuxuu ku boorrinayaa dowladda inay joojiso dhammaan iskaashiga milatari ee Ruushka si degdeg ah,” ayuu yidhi Kachur.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa u muuqday inay la yaabeen markii la weydiiyay inay ka hadlaan socdaalka markabka. Duqa magaalada Cape Town ayaa u sheegay wargeyska maxalliga ah ee Daily Maverick in aanu ka warqabin imaatinkiisa dekedda wuxuuna yidhi “waxay u egtahay in la la socday.”

Iyada oo laga jawaabayo codsi ka yimid VOA, ayaa ciidamada difaaca qaranka Koonfur Afrika waxa ay soo saareen bayaan ay ku xaqiijinayaan in markabka uu ku soo xidhay magaalada Cape Town si dib loogu soo celiyo. Waxay intaas ku dartay in Koonfur Afrika “dal madax-bannaani ahaan ay xaq iyo mas’uuliyad u leedahay inay aqbasho ku soo xidhashada maraakiibta shisheeye sida waddan badeed.”

Bayaanka ayaa lagu xusay, “Waxaa hadda jira saddex markab oo ajnabi ah oo ku sugan biyaha Koonfur Afrika, oo uu ku jiro markab laga leeyahay Ukraine,” oo halkan u jooga dayactir.

Laakiin Isbahaysiga Dimuqraadiga, oo ah xisbigii hore ee mucaaradka ah oo hadda ka mid ah xukuumadda cusub ee isbahaysiga Koonfur Afrika, ayaa cambaareeyay dhacdada iyaga oo ku tilmaamay “mid farxad u ah Ruushka.”