Markab Weyn oo Sida Wiishashka Dejinta iyo Rarista Koontiinarada oo Soo Gaadhay Dekedda Berbera

0
1096

Berbera (Hargeisa Press) – Dekedda magaalada Berbera waxaa maanta soo gaadhay Markab weyn oo lagu magacaabo Shanghai 29 oo siday Wiishashka Dejinta iyo Rarista Koontiinarada ee Dekedda Labaad.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Axmed Cabdilaahi iyo Maayirka degmada Berbera Cabdishkuur Maxamuud Xasan (Ciddin), Xoghayaha Degmadda Berbera iyo Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sheegay wiishkaas oo gaadhay dekeddu uu noqon doono mid horumar ku soo kordhiya dekedda.

Masuliyiinta wakiilka ka ah Markabka qalabkan siday iyo Kabtankii Markabkaasi dekedda Berbera ku soo xidhay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkani kor u qaadayo hawlaha baaxadda leh ee rarista iyo dejinta agabka Dekeda cusub.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Markabkan qalabka cusub sida oo aad u weyni uu ku soo xidhay Dekeda Cusub ee Berbera taas wakhigan maraysa marxalad gebogebo ah.

Waxanu intaas ku daray in Wiishashkani yahay mid casri ah oo marka la rakibo daabooli doona baahida Koontiinarada eek a soo degaaya dekeda Berbera iyo kuwa dhoofaaya, maareeye Siciid Cabdilaahi wuxuu u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka ah horumarka Dekedaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.