Somaliya (Tayosame news) Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa xallay u dhacay oo xidhay siyaasi ka mid ah kuwa dhaliishan siyaasada Dowladda Soomaaliya.
Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ciidanka ammaanka ay xalay ka kaxeeyeen gurigiisa oo Magaaladda ku yaalla.
Wax war ah oo ku saabsan xadhiga siyaasigan kama uusan soo bixin dowladda, balse waxaa jirtay in shalay Xeer-Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu sheegay in baadhitaan lagu samaynayo siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay Dowladda duminayaan.
Xeer-Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dacwad ka dhan ah labo xildhibaan oo baadhitaan lagu samaynayo.
Siyaasigan xallay la weeraray ayaa ka mid ah ah rag dhaliishan siyaasada Dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa horay u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo musharax madaxweyne.