Masuuliyiin Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Xidhay Xabsiga Magaalada Burco iyo Sababta Ka Danbaysa Xadhigoooda

0
115

Bur’o (Tayosame news) -Wararka hadda soo dhacaya ayaa waxay sheegayaan in masuuliyiin xilal ka haya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku sugnaa magaalada Burco ay ciidamada Booliska Burco saldhiga dhexe ee Burco u taxaabeen goor dhawayd.

Masuuliyiintan xasbiga loo taxaabaya ayaa kala ahaa xoghaye ku xigeenka Warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (ILkacase) Iyo Siyaasi Cabdilaahi Aadan oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga WADDANI iyo waliba masuul saddexaad oo aan magaciisa naloo sheegin kuwaas oo ku sugnaa magaalada Burco.

Cabdisalaan Ilkacase Xoghaye ku xigeenka Warfaafinta xisbiga WADADNI oo shabakada wararka Ramaasnews la xidhiidhay kana soo xigatay shabakada TAYOSAME NEWS ayaa  isaga oo ku jira saldhiga dhexe ee Burco ayaa  xaqiijiyay in la xidhay,xadhigiisana uu amarka bixiyay taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer,waxaana xadhigiisa uu noo sheegay in ay soo amreen taliyaha Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMYE iyo xukuumadda,kuwaas oo seexan waa iyo anfariir ka qaaday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo maalmihii u danbeeyey ay ka wadeen magaalada Burco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.