Maxaa Ka Jira In Xisbiga Kulmiya Dad Dhhintay Codadkooda Ku Darsaday Tirarada Codadka Doorashada?

0
342

Hargeisa (Tayosame news) -Cabdiraxmaan Cirro oo ah Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa sheegay in uu madmadow Farabadan ku jiro sidii ay u qabsoontay doorashadii dhowaan ka dhacday Somaliland.

Wuxuu sheegay in Musuq Maasuq iyo ku Shubasho ay ka dhacday doorashadii qabsoontay 13-kii November, taasoo sida muuqata uu xisbiga Talada haya mar kale ugu cadcadyahay in uu sii joogo xafiiska.

Guddiga Doorashada ayuu ku eedeeyay Hubsiimo la’aan iyo sidoo kale in ay dhowr mar isaga soo jeedinnadiisa meel iska dhigeen, taasoo keentay in xataa dad dhintay codadkooda ay tirsadaan xisbiga Kulmiye.

“Maalintii Doorashada, waxay Korjoogeyaasha Xisbiga Waddani soo gudbiyeen 1200 oo dhacdo, Jirdil iyo Handadaad loo geystay xubnaha goobaha doorashooyinka noo kormeerayay, sidoo kale waxay sheegeen in ay dhacayeen Khaladaad ku saabsan hannaan socodka Doorashada, waxaa kugu filan in Korjoogeyaasha Caalamiga ah ay qireen in qaladaad waaweyn laga galay doorashadii dhacday” ayuu yiri Cirro oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa.

Wuxuu sheegay oo kale in niyad jab weyn ay xisbigiisa ku dhalisay, markii Guddiga Doorashadu ay qirteen in Buugaagtii Codadka lagu qorayay qaar ka mid ah ay Gacantooda ka baxeen, taasoo keeni karta in sidii la doono loo qoro hadhow codadka.

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in ay dad dhintay xataa ku jiraan xubnaha u codeeyay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, kaasoo sida ay u muuqato markaan ah mid mar kale sii hoggaamin doona Somaliland, 5-ta sano ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.