Maxay Ka Dhigan Tahay Isbahaysiga Sii Xoogaysanaya Ee Sucuudiga iyo Israa’iil?

0
243

(tayosame news) -Waxaa aad isugu soo dhawaaday dalalka Sucuudiga iyo Israa’iil , kuwaas oo samaystay isbahaysi ka dhan ah Iran.

Waa xidhiidh xasaasi ah, islamarkaasna sii koraya, iyada oo inta muuqata ay ka badantahay inta qarsoon.

Todobaadkii hore taliyaha ciidammada qalabka sida ee Israa’iil Gadi Eidenkot ayaa waraysi uu siiyay wargeys Sucuudiga laga leeyahay oo Britain kasoo baxa oo lagu magacaabo Alif ku sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Sucuudiga isweeydaarsadaan xogaha sirdoonka si looga hortago Iran.

“Waxaan leenahay dano aan wadaagno marka laga hadlayo arrimaha Iran, heshiis buuxa ayaana inoo dhaxeeya Sucuudiga” ayuu yiri Gadi.

Maalmo kadib wasiirkii hore ee caddaalada Sucuudiga Dr Maxamed Bin Cabdikariim Ciisa oo aad ugu dhow dhaxalsugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaa, oo hadlayay kadib shir uu kaga qabtay magaalada Paris ayuu wargeyska Maarif u sheegay “ma jiro ficil argagixiso ah oo marmarsiimo u noqon kara in diinta Islaamka lagu qasbo meel adduunka ka mid ah, xitaa Israa’iil”

Maalin kale sargaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidammada Israa’iil oo ka hadlayay shir London ka dhacay ayaa ka hadlay labo shir oo uu la yeeshay labo amiir oo ka socota boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ku yidhi “ma tihiin cadawgeena”.

Hadaladaas oo kale ma ahan kuwa ku yimaada si kama’ ah, waa kuwa si taxadar leh looga fiirsaday, ujeedkuna yahay in lagu waabiyo Iran, iyo sidoo kale in shacabka Sucuudiga loogu diyaariyo haddii xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya uu rasmi noqdo.

Israa’iil ayaa sida caadi ah aad uga hadasha xidhiidhka labada dal in ka badan inta Sucuudiga uu ka hadlo. Balse waxyar ayaa laga ogyahay waxa ay tahay xaqiiqada rasmiga ah , waxaase cad in uu yahay xiriir rasmi ah, islamarkaasna sii kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.