Maxbuus Ciqaab Ugu Dhex Geeriyooday Xabsiga Dhexe Ee Xamar + Magaciisa

0
144

Muqdisho (Tayosame News) Wararka kasoo baxaya Xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa sheegaya in gudaha xabsigaasi ku dhax geeriyooday nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa Maxaabiista Xabsigaasi ku xidhneyd mudo dhawr sanadood ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida ninkan oo lagu magacaabayay Xasan Maxamuud Xasan oo xabsiga dhaxe ku xidhnaa kadib markii Maxkamad ku riday 8 sano oo xabsi ah.

Ninka geeriyooday iyo nin kale ayaa la sheegay in dagaalameen kadib markii isku maan dhaafeen ciyaar xabsiga ku dhax ciyaarayeen, waxaana la sheegay in ciidanka xabsiga joogay ciqaab ahaan wiilkan ugu xidheen Koonteenar uuna ku neef qabin toobay .

Wararka Xabsiga laga helayo ayaa sheegaya in wiilkaasi u dhintay neefta oo ku dhagtay kadib markii lagu xidhay Kunteenarka. ehelada marxuunka ayaana sheegay in wiilkooda kunteenarka ku dhintay kuna dhagtay neefta.

Saraakiisha xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaan wali ka hadlin geerida wiilkan xabsiga ku xidhnaa , waxaana saraakiisha qaar sheegeen in ay socdaan baadhitaano kana war sugayaan natiijada kasoo baxda.

Ninkan Xabsiga ku dhax geeriyooday ayaa lasoo xidhay sanadkii 2014-kii waxaana lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab, Maxkamad ayaana ku riday dhawr sano oo xabsi ah uu ku qaadanayay xabsiga dhaxe ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.