Mid Kamida Dowladaha Islaamka Ugu Tunka Weyn Oo Xidhhidhka Military U Jartay Maraykanka

0
426

Pakisatan (Tayosame news) Dowlada Pakistan ayaa shaacisay in xidhiidhki Milatari iyo midka sirdoon ay la laheyd Dowlada Mareykanka ay joojisay kadib markii Dowlada Mareykanka shaacisay in kaalmada Milatari ka jareyso Dowlada Pakistaan.

Madaxwenaha Dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa dhawaan dowlada Pakistan ku eedeeyay in ay khiyaantay dowlada Mareykanka , waxa uuna ku hanjabay in uu dowladaasi ka jarayo kaalmada Milatari ee ay siiyaan .

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Pakistan Khurram Dastgir Khan ayaa ku dhawaaqay in xidhiidhka Milatari iyo midkii sirdoon ay la lahaayeen dowlada Mareykanka joojiyeen, waxa uuna sheegay in Mareykanka in uu qaatay go’aan hubsiimo la’aan ah.

War kasoo baxay Safaarada Dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Islamabad ayaa lagu sheegay in aysan wali helin go’aankan ka soo baxay dowlada Pakistan ee xidhiidhka milatari loogu jaray Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa malaayiin Dollar siin jirtay dowlada Pakistan, hasa ahaatee Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaalamin kooxaha argagaxisada sidaa darteed ay ka jarayaan kaalmada Milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.