Milateriga Pakistan Oo Soo Faro Geliyey Mudaharaadyo Hadheeyey Wadankaasi

0
73

Pakistan (Tayosame news) -Milateriga Pakistan ayaa sheegay in si buuxda uu diyaar ugu yahay inuu xukuumadda gacan ka siiyo sidii loo kala kaxamayn lahaa islaamiyiin banaanbaxaya oo xidhay waddo weyn oo dhex marta magaalada Islamabad.

Xukuumaddu waxay weydiisatay milateriga in la soo celiyo kala dambaynta, ka dib markii boolisku ay ku guul darraysteen inay kala kaxeeyaan dadka banaanbaxayey sabtidii.

Hadal uu milaterigu soo saaray ayaa u muuqda mid dhaliilaya sidii ay xukuumaddu ula tacaashay xaaladda, ayagoo sheegay in booliska aan si haboon looga faa’iidaysan.

Ugu yaraan 6 qof ayaa la rumaysan yahay in shaqaaqada ay ku dhinteen, ilaa 200na dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Milaterigu waxay dalbadeen caddaymo dheeraad ah ka hor inta aan askar halkaa la geyn.

Dadka banaanbaxayey ayaa muddo todobaadyo ah xidhay waddada weyn ee Faizabad, ayagoo weydiisanaya in la eryo wasiirka sharciga Zahid Hamid oo ay ku eedeeyeen diin-cay.

Banaanabaxyadooda ayaa ku fiday magaalooyin kale, waxaana ka mid ah Lahore iyo magaalada koofureed ee dekedda leh ee Karachi.

Sabtidii xukuumaddu waxay xannibtay TV-yo gaar loo leeyahay, waxayna hawada aka saartay baraha bulshada ee ay ka midka yihiin Twitter, Facebook iyo Instagram, ayadoo ka cabsi qabta in tebinta tooska ah ee ficillada booliska ay sii huriso dareen diimeed.

Mid ka mid ah dadka mudoharaadayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.