Musharraxa La Tartamaya Ismaaciil Cumar Geelle oo Bilaabay Ololahiisa Doorashada

0
346

Djibouti (Hargeisa Press) – Dalka Jabuuti waxaa maalintii labaad galay ololaha doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo 9-ka bisha Abril.

Madaxweynaha haatan xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa doorashada waxaa kula tartamaya Zakariya Ismaaciil Faarax oo ah musharraxa kaliya ee bannaanka isu soo dhigay inuu Geelle la tartamo.

Axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada iyagoo sheegay in aanay ku kalsooneyn in codbixinta ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, walow arrintaasi ay dowladda dalka ka arrimisa ay gaashaanka u daruurtay.

Waxaa deegaanno ka tirsan Jabuuti ka socda ololaha doorashada, iyadoo madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu si rasmi ah u bilaabay olalahiisa doorashada.

Halka musharrax Sakariye Ismaaciil Faarax uu isagana ka daahfuray olalahiisa xilli uu isu soo bax siyaasadeed ku qabtay gobolka Carte.

Zakariye Ismaaciil Faarax ayaa sheegay in uu loollan galin doono madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay, wuxuuna sheegay in aanu ka cabsaneynin ku shubasho, rajadiisuna ay ku xidhan tahay oo kaliya go’aanka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.