BELAAYOY BAYDHOO NAGA BAYDHEEY”
Somaliland weligeed hore ugamay qabsoomin doorasho aanay sadexda xisbi qaran u dhamayn oo si buuxda isula ogolayn. Sanadkan Muuse Biixi oo isaga tiisu bir ugu go’an tahay ayaa Madaxwayne. Labada xisbi go’aankiisu waa la isu joojin maayo hadaad diidaan in idinka oo ah ururo aydaan isla diiwaangelin ururada cusub hadii kale labadiina xisbiba saaxadda waa ka baxaysaan rabshad iyo buuqna lama ogola oo gacan baa wax lagaga qaban doonaa oo dalku ciidamo ku filan sugidda amniga ayuu leeyahay. Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal oo musharixiintii isaga la tartami lahayd xabsiga in la dhigo ayuu go’aankiisu u badan yahay ilayn waa Muuse oo madaxwayne ahe. Waayahay waxay noqotay in sanaadiiqdii codbixinta intii loo qaybin jiray loo qaado. Degaamo badan oo xisbiyada mucaaridka taageersanaa sanduuq keli ahi badbaadimayo. Wax lagu gadoodo oo la burburiyo iyo kuwo la isku dul qabsado ayay noqon. Sadexdii xisbi kulmiye ayaa keligii tartan la geli doona. Ururada la hubo in aanay soo bixi doonin horta Gaboose kow dheh. Waar u kaadi horta halkaaba ma la isla gaadhi doonaa? Maya anigu u malayn maayo eh waxay noqon in aan labadan daayoo wax doorasho ahi oo dambe ka and qbsoomi karin Somaliland inta uu Muuse Biixi Madaxwayne ka yahay. Waa bartii uu isagu la damacsanaa hadii ay u mari kartana u laba lugoodin maayo. Ka warran haddaba xaaladda Somaliland ku soo fool leh mustaqbalka dhaw Somaliland iyo kuwii lahaa ururo ayaanu furanay? Way idiin furan yihiin laakiin xaaladda dalka ayaan saamxayn in doorasho la qabto ilaa inta lagu heshiinayo. Oo maxaa lagu heshiin ee hadhay waa goor ay arlo qasabtaye. Anigu maxaan odhan karaa een ahayn “Belaayoy baydho naga baydheey”