Muwaadin Soomaali Ah Oo Loo Haysto Dambi Ah Inuu Qorsheynayay Inuu Dilo Boqorada Ingiriiska iyo Raysal wasaaraha David Cameron

0
446

England (Tayosame News) Aweys Shikhey oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaali balse haysta dhalashada wadanka Netherland ayaa la soo taagay maxkamad ku taal magaalada London iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan.

Shiikhey ayaa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin inuu lacag gaareysa £10,000 uu Bangiga Barclays Bank si been ah ugaga amaahday isagoo u sheegay inuu doonayo inuu ku guursado balse uu qorsheynayay inuu ugu safro dalka Siiriya si uu ugu biiro ururka Daacish ama IS.

Sidoo kale Aweys Shiikhey oo 38 sano jir ahaana darawal gaadiidka caanaha qaada ayaa beeniyay inuu qorsheynayay in uu dilo boqorada dalka Ingiriiska iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain David Cameron.

Eedeymaha loo haysto Shiikhey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu kala sheekeystey qof kale weerar lagu qaado Yuhuuda degen Stamford Hill iyo taageerayaasha ka soo baxaya garoonka White Hart Lane ee ay ku ciyaarto kooxda Tottenham Hotspur oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka wadanka Ingiriiska isagoo isticmaalaya qoriga AK47.

Aweys Shiikhey oo la sheegay in labo xaas iyo carruur uu dhalay ay kala joogaan dalalka Kenya iyo Netherland ayaa lagu xidhey garoonka Stansted 23kii May sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Maxkamada ayaa lagu soo bandhigay wadasheekeysi u dhexeeyay Aweys Shiikhey iyo qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Idiris Xasan kaasoo lagu eedeeysay dambiyo la xidhiidha argagaxisanimo bishii September 2016.

Labada ruux ayaa waxa ay is dhaafsadeen sheeko ah in la dilo David Cameron iyo Boqorad Elizabeth. Dhagaysiga dacwada loo haysto Aweys Shiikhey ayaa dib loo dhigey waqti aan la cayimin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.