Muxu Yahay Hinaasuhu ama Maseryku? Waligaase Ma Dareentay? Maxayse Tahay Dawadiisu?

0
240

Hargeisa (Tayosame news)   Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Masayrkiisu Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah inkasta oo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah

Masasyrku  waa dareen la mid ah waxyaabaha qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa

Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???

Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??

ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??

Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???

Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??

Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???

Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????

Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??

Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….

Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya hadii aaan si caqliyeesan leysaga xakameyn

Ugu dambeyntii

Masayrku Ma jacayl baa mise waa Kibir?

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”1″][contact-field label=”Email” type=”email” required=”1″][contact-field label=”Message” type=”textarea” required=”1″][/contact-form]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.