Ciidamada magaalada Hyderabad ee ku taala koonfur hindiya ayaa xidhay nin nolosha ku gubay gabdh 25 sano jir ah.
gabadh oo la odhan jiray Sandhya rani ayaa waxa la weeraray xili ay ku sii jeeday gurigooda khamiistii, adad aya si degdeg ah ugu gurmaday Rani balse waxay geeryootay intii lagu sii wadey cusbitaalka.
Karthik Vanga waa 28 jir waana ninka loo qabtay dilka gabadhaasi, dad aya sheegay inay arkayeeen khamiistii iyaga oo wada murmaya waxa kale oo la shegay inay meel ka wada shaqayn jireen labadoodu.
Vanga ayaa la sheegay in uu muddo labo sano ah guur u soo bandhigayay Rani, balse ay si joogto ah u diidi jirtay, laakiin booliisku ma oga wax cabasho ah oo ay ninkaas ka soo gudbisay wakhtigaas.
wadanka hindiya ayaa waxa ka jira tacdiyo aad u badan oo loo gaysto haweenka wadankaasi, mudo kahor ayey ahayd markii burcad kufsadeen ka dibna dileen gabadh ardayad ah oo bas saarnayd.
Si kastaba ha ahaatee weerarrada arxandarrada ah ee ka dhanka ah carruurta iyo dumarka ayaa wali lagu warramaa in ay ka sii socdaan dalka Hindiya.