Nin Sun Ku Dhex Cabay Maxkamadda Aduunka Intii La Waday Dhegaysiga Dacwadiisa

0
20

Hague (Tayosame news)   -Nin hore loogu xukumay dambiyo dagaal oo uu ka geystay Bosnia , haddana ay socotay dhagaysiga rafcaan uu ka qaatay xukunkaas ayaa si badheedh ah sun ugu dhex cabay maxkamadda dhexdeeda magaalada Hague.

Ninkan oo lagu magacaabo Slobodan Praljak ayaa ka mid ahaa lix hoggaamiyeyaal militari oo maxkamadda adduunka saaran.

20 sano oo xadhig ah ayaa lagu xukumay sanadkii 2013-kii kadib markii lagu heley in uu dambiyo ka geystey magaalada Mostar.

Kadib markii uu maqlay in maxkamadda ay diiday rafcaankiisa ayuu yidhi “waxaan cabayaa sun”.

Galas wax dareere ah ay ku jireen ayuu afka la aaday, kadibna wuu cabay ka hor intii xaakimka uusan joojin dhagaysiga dacwada, islamarkaasna aanan loo yeedhin gaadiidka gargaarka degdega ah.

Ninkan ayaa madax ka ahaa ciidammada Boosniyaanka dalka Croatia oo lagu magacaabo HVO, waxaana lagu eedeeyay in uu laayay muslimiin tiro badan sanadkii 1993-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.