Qaramada Midoobay, Ururada Islaamka Iyo Wadamo Badan Oo Cambaareeyey Qaraxii Shalay Magaalada Muqdisho + Tayosame News Oo Tacsi U Diraya Dhamaan Umada Soomaaliyeed

0
23

Muqdisho: (Tayosame news) – qaraxii shalay ka dhacay magaalada muqdisho oo lagu qiyaasi karo midkii ugu xumaa uguna weynaa ayaa waxa si kulul u cambaareeye Ururo, wadamo iyo dadwayne badan oo ku kala nool daafaha caalamka waxaana ka mid ahaa madaxwaynaha wadanka turkeyga, wasaarada arrimaha dibeeda wadanka maraykanka, xoghaya guud ee ururka iskaashiga islaamka (OIC), ururka qaramada Midoobay (UN) iyo bulsho wayn ku dhaqan caalamka oo aad uga murugooday qaraxaasi.

bahwaynta Tayosamenews.com waxay halkan tacsi tiiraanyoo leh uga diraysaa dhamaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan intii ku waxyeelowday masiibadaasi, allena waxan uga baryeynaa intii ku dhaawacantay inuu alle caafimaad sareecan siiyo intii ku dhimatayna alle Janadii Fardowza ka warabiyo ameeen ameeen………………………………………….ameen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.