Qarax Gaadhi Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
12

Somalia (Tayosame news)  Gaadhi nuuciisa uu yahay Surf ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka.

Sida ay  xaqiijiyeen dadka degaanka gaadhiga qarxay ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo  Kulane Cabdi.

Gaadhiga ayaa Qarxay markii uu ka degtay Ninkii watay, waxaana la sheegay in aysan jirin Khasaare ka dhashay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in gaadhiga shidaal lagu shubayey, islamarkaana Sarkaalka uu ka degay uuna aaday meel aan ka fogeyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa  gaadhay goobta ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.