Makassar (Hargeisa Press) – Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay afaafka hore ee kaniisad ku taalla caasimadda Indonesia ee Makassar.
Booliska waxay sheegeen in laba qof oo isa soo miidaamiyay ay beegsadeen dad saaka ka baxayay kaniisadda isla markaana ay ku dhinteen qaraxa.
Weerarro dhowr ah ayaa hore uga dhacay Indonesia, waana dal ay ku nool yihiin muslimiin badan.
Wasiirka arrimaha diinta Indonesia ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuu ugu baaqay booliska inay sare u qaadaan howlgallada lagu ilaalinayo amniga goobaha cibaadada.