Somaliya(Tayosame news) -Wararka naga soo gaadhaya dhankaa iyo somalidaa koonfureed gaar ahaan xarunta Villa Baydhabo ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhex dhacay qarax.
Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid lagu soo xidhay gaadhi uu leeyahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kaasi oo gaadhigiisu ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo.
Gaadiidka yar yar ee ay leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, badanaa lama baadho, waana mida sababtay qaraxan oo gaadhi ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.