Muqdisho (Tayosame news) Wararka ku soo dhacay xafiiska warqabadka ee tayosame news ee dhanka somaliya gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya in halkaasi lagula eegtay qarax miino.
Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta, xilli ay ku lugeynaayeen Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha.
Miinada ayaa lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana la qarxiyay xilli ciidanka ay marayeen meel ku dhaw goobta lagu aasay Miinada ee Isgoyska Tarabuunka.
Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay qaraxaasi, waxaa kale ku dhaawacmay mid kale sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi waxa ay sheegeen inay ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.