Qaraxyo Lagu Weeraray Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Muqdisho

0
104

Muqdisho (Tayosame News) Waxaa xalay xili dambe qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro lagu weeraray saldhiga Ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaqshiid.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen dhawr bambaano oo lagu tuuray saldhiga ciidanka Nabad sugida, waxaana qaraxyada bambaanooyinka kadib ciidamada dhankooda fureen rasaas.

War lagu daabacay Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay saldhiga qaraxyada lagu weeraray in ay ku sugnaayeen saraakiil katirsanaa Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan bambaano ee xalay lagu tuuray saldhiga Ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin degmada Yaqshiid, waxaana ciidamada qarxayadaasi kadib halkaasi ka sameeyeen howlgal.

Saldhigayada ciidanka dowlada iyo goobo kale oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii mararka qaar waxaa lagu weeraraa bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.