Qaraxyo Xalay Gilgilay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha Qaraxyadaasi

0
73

Muqdisho (Tayosame news) -Qaraxyo loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray fariisimo Ciidamada Dowlada Somaaliya ay ku lahayeen xaafado ka tirsan Gobalka Banaadir.

Qaraxyadaan oo garaya ilaa afar qarax ayaa waxaa lagu weeraray Xarumo Ciidamada dowlada somaaliya ay ku lahayeen Magaalada Muqdisho, laba kamid ah qaraxyadaas ayaa waxaa laga maqlay gudaha degmada yaaqshid, halka qaraxa sadaxaad isna lagu weeraray laanta suuq bacaad, kan afaraadna waxaa lagu weeraray  xarun Ciidamada Dowlada ay ku lahayeen Xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile.

Mas’uuliyada qaraxydaan ayaa waxaa durba dusha u ritay dagaal yahano katirsan Xarakada Al-shabaab waxa ayna sheegeen Ciidamadooda gaarka ay ka danbeeyeen qaraxyadaan kuna dilee tiro askar kamid ahaa Ciidamada Dowlada ee Gobalka Banaadir.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka banaadir ee ku adan qaraxyadaan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho,  Xiriiro Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay Saraakiisha Cidamada dowlada ayaan ka jawaabin taleefanadooda.

Mararka qaar Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, waxaana inta badan Mas’uuliyada qaraxyadaas dusha u rita Xarakada Al-shabaab.

 

Qaraxyadan oo gaaraya illaa iyo Afar qarax waxaa lagu kala weeraray Labo qarax oo lala beegsaday xarunta degmada Yaaqshiid,sidoo kale Labada qarax ee soo hartay waxaa lagu kala weeraray Fariisimo maleeshiyaatka dowlada ay ka kala sameysteen Laanta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid iyo Xaafada Barwaaqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.