Somaliya (Tayosame news) -Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa lasoo taagay eedeesanayaal loo heestyo in a katirsan yihiin Dagaalahanada Al Shabaab gaar ahaan kuwa u qaabilsan sahmina goobahga Qaraxyada la dhigo.
Waxaa maxkamada Ciidamada Qalabka sida kasoo hor muuqday Afar nin oo xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalanka sida kusoo eedeeyeen in Alshabaab u qaabilsanaayeen Sahminta Gaadiidka qaraxyada laga soo buuxsho ee la hor dhigo Maqaayadaha.
Afara nin ee Maxkamada lasoo taagay ayaa kala ah
1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.
2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin
3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud
4) C/laahi Ibraahin Geeseey
Xeer Ilaalinta ayaa C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed ku eedeesay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaalo magaalada muqdisho.
Waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.
Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.
Eedaysanaha 3-aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaan Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.
Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.
Qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska hadii aysan jirin cadeymaha markaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida in loo ogolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabk Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.