Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Falastiiniyiinta iyo Dunidda Muslimka U Sheegay Inay Iska Ilaawaan Qudus

0
44
Isreal (Tayosame news)  -Ra’iisulwasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu ay ogaadaan xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo badhtanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.