Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxa Madaxa Hayadda Qaxoontiga Aduunka

0
17

Somalia (Tayosame news)  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qoxotiga(UNHCR), Filippo Grandi oo  gaadhay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Filippo Grandi ayaa ka wada hadlay Arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Qaxootiga Soomaalida iyo sida loo sii laba laabi karo kaalmada la siinayo.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Mr. Grandi ayaa mudo labo beri ah ku sugnaan doono Muqdisho,wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay ka shaqaynayaan hurumarinta iyo caawinta qaxootiga Soomaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa inta badan waxay caawisaa Qaxootiga Aduunka gaar ahaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee daruufaha kala gedisan ay heystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.