Raysal Wasaare Ku Xigeenka Ingiriiska Oo Shaqada Looga Eryey Markuu Uu Filimaanta Galmada Ah Ku Daawaday Kombiyuutarkiisa

0
255

Brithain (Tayosame news)  Damian Green oo ka mid ah xulafada ay isugu dhaw yihiin ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa shaqadii ra’iisulwasaare ku xigeennimada laga eryay ka dib markii lagu helay in uu ka tallaabay anshixii golaha wasiirrada.

Waxaa la waydiistay in uu is casilo ka dib markii lagu helay in uu been iyo haddallo marin habaabin ah ka sheegay waxa uu ka ogyahay eedaymaha sheegaya in kombiyuutarka xafiiskiisa laga helay muuqaallo galmo ah sannadkii 2008dii.

Waxaa kale oo uu raaligalin ka bixiyay in uu Kate Maltby ula dhaqmay si aysan raali ka ahayn sannadkii 2015kii.

Green oo 61 jir ah oo ahaa ku xigeenka ra’iisulwasaaraha ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee gollaha wasiirrada ka tirsan ee is casila muddo labo billood gudahood ah, Michael Fallon iyo Priti Patel ayaana is casilay bishii Nofembar.

May oo war qoraal ah ka soo saartay arrintan ayaa sheegtay “in ay aad uga xumaatay” xafiiska uu banneeyay Green balse waxay intaas ku sii dartay in ficilkiisu uu ka hoos maray hab dhaqankii laga filayay golaha wasiirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.