Home Ciyaaro Ronaldo Oo Ka Yaabiyay Adduunka Ka Dib Markii Muraayad Isu Qaatay Garoonka...

Ronaldo Oo Ka Yaabiyay Adduunka Ka Dib Markii Muraayad Isu Qaatay Garoonka Dhexdiisa

0
57

Hargeisa (Tayosame News) Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa maalinimadii axadda adduunka oo dhan ka yaabiyay kadib markii uu muraayad isku eegay isaga oo ku dhex jira garoonka ciyaaraha, islamarkaasna ay socoto ciyaartii.

Arrintan ayaa keentay hadal heynta in Ronaldo in uu yahay nin xarago jecel, islamarkaasna jirkiisa naashnaasha.

Kaamirada ayaa qabatay Ronald oo dhaqtarkiisa ka qaatay taleefoonka, kadibna kaamirada taleefoonka u isticmaalay muraayad ahaan si uu isugu eego maadaamaa uu dhaawac kasoo gaadhay wajiga, dhiigna uu ka socday.

Daadihiyeyaasha barnaamijyada isboortiga qaarkood ayaa ku maadeystay, iyada oo dadka qaarkood ay soo qoreen “Marka aad ku guuleysato 7-1 gool, balse sawirkii aad gali lahayd ciyaarta kadib uu wajiga kaa halaabo”.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa iyaduna qortey “Ronaldo oo heer cusub gaadhsiiyay sida uu nafta u jecelyahay”.

Ronaldo ayuu dhaawaca kasoo gaadho kadib markii uu haraanti ku dhuftay ciyaaryahan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.