Ruushka Oo Ku Baaqay In Afrika Ay Xubin Joogta Ah Ku Yeelato Golaha Ammaanka

0
18

Russia (Tayosame News) Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay taageerayso dadaalka ay wadamada Afrika ugu jiraan sidii ay kursi joogo ah uga heli lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Itoobiya, Equatorial Guinea iyo Ivory Coast ayaa imika xubno ka ah golaha ammaanka, balse waxa ay ku fadhiyaan kuraasta xubnaha aan joogtada ahayn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa qiray in qaabka uu imika u dhisan yahay golaha ammaanka ay tahay mid u xaglinaya wadamada qaniga ah.

Isabadal lagu sameeyo qaabka golaha amaanka imika u dhisan yahay ayaa qayb ka ahayd waxyaabaha muddo dhan 10 sano ay dalbanayeen ururka midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka , Mr Lavrov ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay ku dadaali doonto isbadal lagu sameeyo golaha.

Waxa uu intaa ku daray in wadamada soo koraya aysan matalaad ku haysan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mr Lavrov ayaa xusay in wakiilo ka socda Afrika oo qayb ka noqday ay qiimo dheeraad ah u yeelayso golaha ammaanka.

Madaxa midowga Afrika Mahamat Faki ayaa ku tilmaamay baaqa afrika “dalab sax ah”, balse beesha caalamka ilaa iyo hadda ay iska indho tireen.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa imika ka kooban 15 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin xubno joogto ah.

Wadamada Afrika ayaa waxa ay dadaal ugu jireen muddooyiinkii ugu dambeeyay sidii xubin joogto ah ay uga heli lahaayeen golaha ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.