Russia (Tayosame news) Mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed ayaa qabtay markabkii labaad oo looga shakisan yahay inuu shidaal kasoo qaaday maraakiib kale oo ku sugan badda, kaasi oo geynayey shidaalka Kuuriyada Waqooyi.
Tallaabadan ayaa waxa ay ka hor imaaneysa cunaqabteynaha hay’adda Qaramada Midoobay ay kusoo rogtay Kuuriyada Waqooyi.
Markabka siday shidaalka ayaa loo yaqaana Koti, waxaana lagu hayaa dekad u dhaw magaalada Pyeongtaek .
Markabka la qabtay ayaa waxaa saaran dhowr shaqaale oo kasoo kala jeeda waddamada Shiinaha iyo Burma.
Maalintii Sabatida, labo ka mid ah illo wareedyada ugu waaweyn ee dhanka ammniga ee Yurub, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in booyaddo shidaal oo Ruushka laga leeyahay ay dhawaan shidaal u gudbiyeen Kuuriyada Waqooyi.
Shidaalka ayaa la sheegay in Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay mid Kuuriyada Waqooyi.
Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamadda badda iyo sawiro lagu qaaday dayax gacameedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dekaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga.
Mid ka mid ah illo wareedayadan ayaaa sheegay in aan loo heyn cadeyn in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintaan.
Milkiilaha midka mid ah maraakiibta ayaa lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay Kuuriyada Waqooyi, balse waa uu beeniyay eedeymahaasi.
Maalintii Jimcaha, ayaa Kuuriyada Kuunfureed waxa ay sheegtay inay qabatay Markab ka diiwaan gashan Shiinaha, kaasi oo 600 oo tan oo shidaal ah ku wareejiyay markab Kuuriyada Waqooyi leedahay.
Arrimahaan ayaa dhacaya iyada oo hay’dda Qaramada Midoobay ay kusoo rogtay cunaqabteyno Kuuriyada Waqooyi sabab ah inay sii horumarineyso barnaamijkeeda niyuuklerka iyo tijaabada gantaalaha riddada dheer.