Saacadiisii Ugu Horeysay Barcelona, Dhaawaciisa, Noloshiisa Lixdii Bilood Ee Ugu Dambeysay & Wax Walba Oo Uu Coutinho Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Maanta.

0
90

Barcelona (Tayosame news) Philippe Coutinho ayaa dhameystiray ku biirista Barcelona, wuxuuna noqday xidiga labaad ee ugu qaalisan dunida kubadda cagta madama uu 160 Malyan oo Euro, waxaana kaliya ka sareeya Neymar Junior kaas oo aduun dhan 222 Malyan oo Euro ku tagay Paris.

Hadaba maanta waxey aheyd maalintii ugu weyneyeed Philippe Coutinho sida uu ka dhawaajiyay waayahiisa kubadda cagta, taasoo ka dhigan inuu weyneeyay kooxdiisa cusub, sidoo kale wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya saaxiibadiisa kooxda, kooxdisii hore iyo sidoo kale kooxda cusub ee uu yimid.

Philippe Coutinho wuxuu ku hadlay luqadda Isbaanish-ka, waxaa kasoo qeyb galay shirkiisa jaraa’id 101 warbaahin 161 saxafi kuwaas oo kasoo kala jeeda 43 wadan oo kala duwan.

“Tani waa riyo rumowday” ayuu ku bilaabay shirkiisa jaraa’id Philippe Coutinho, “Waa inaan u mahad celiyo ilaah, qoyskeyga, xaaskeyga iyo gabadheyda” ayuu yiri mar kale xidiga reer Brazil.

“Waxaan doonayaa inaan uga mahad celiyo Barcelona dadaalkii iyo dulqaadkii badnaa oo ay sameeyeen”

“Sidoo kale waxaan u mahad celinaa Liverpool oo aan shan sano halkaas ku qarash gareeyay iyo maamulka halkaas jooga ee fahmay ney tani riyadeyda tahay”

“Waxaan daawaday kulankii shalay anigoo jooga hotel-ka, maanta waxaan aaday xerada tababarka, waxaan la kulmay saaxiibadeyda cusub, waxey i tusiyeen halka aan ku tababarano iyo halka aan wax ku cunno”

“Waxaan aad uga walacsanahay inaan la bilaabo kooxda”

“Ilaa aan halkaan ka imaado, ma aaminsaneyn iney dhaceyso, marka aan tababarka la bilaabo kooxdeyda ayaan aminsayaa iney dhamaan dhaceen”

“Waan la hadlay Neymar, si fiican ayuu uga hadlay waxa ku saabsan magaalada iyo kooxda, sidoo kale waxaan la hadlay Paulinho iyo Suarez”

“Waxaan rajeynaa inaan noqdo mid si fiican ugu faraxsan halkaan”

“Waxaan neymar kula ciyaaray qaranka, waxaan nahay saaxiibo ilaa yaraantii, waa xidig weyn, balse waxaan leenahay dabeecado kala duwan, waxaan Barcelona u imid inaan helo fursadeyda”

“lama kulmin Messi wali, sharaf ayey ii tahay inaan isku koox nahay”

“Tani waa Barcelona, waa kooxda ugu fiican dunida, waana midda heysta ciyaartoyda ugu fiican, xidigo badan oo aan ku daydo ayaa halkaan yimid oo ku ciyaaray, kuwa badan oo aan ku daydo ayaa sidoo kale jooga,  jawaabta waa mid fudud”

“La Liga waa horyaal aad u dhib badan, waa inaan diirada saarno kulan walba si aan usii fogaano”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.