Eritrea (Tayosame Nes) Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay Safaaradii dowlada Itoobiya ku laheyd magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eritrea , kadib markii labada dal heshiiyeen dibna usoo celiyeen xiriirka dhinaca diblumaasiyada.
Munaasabada dib loogu furayay Safaarada Itoobiya ku leedahay magaalada Asmara waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afwerki.
Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka heshiiyay colaadii u dhaxeysay mudo 20-sano ah, waxa ayna labada dowladood dib u furteen safaaradihii ay ku kala lahaayeen Asmara iyo Adis Ababa.
Eritrea ayaa sidan oo kale horey iyana uga furatay magaalada Adis Ababa Safaaradii ay ku laheyd, waxaana labada wadan sidoo kale bilaabeen duulimaadkii tooska ahaa ee u dhaxeeyay.