Safiirkii Maraykanka U Fadhiyey Dalka Panama Oo Sabab Cajiib Ah Isu Casilay

0
35

Panama (Tayosame news) Safiirkii dowladda Mareykanka u fadhiyay dalka Panama ayaa iscasilay isagoo iscasilaadiisa sabab uga dhigay in uusan la shaqayn Karin Madaxwayne Donald Trump.

John Feeley oo horey u ahaan jiray duuliye ayaa yidhi  Waxaa sharaf ii ah in aan iscasilo.

Arrintani jawaab toos ah uma aysan ahayn hadalkii la sheegay in Mr Trump uu ka soo yeeray kaasoo uu ugu gefey Haiti iyo wadamada qaarada Afrika.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu xilka ka tagay Mr Feeley.

Waxa ay sidoo kale wasaarada sheegtay in sababo u gaar ah uu isu casilay safiirka Mareykanka u fadhiyay dalka Panama .

Siyaasadaha madaxwayne Trump ee ku aadan dalalka gobolka sida Salvadore, Haitian iyo Nicaraguan ayaa wax ka dhashay cadho.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka madaxwayne Trump uu ku dhawaaqay in kumannaan qof oo u dhashay dalka Salvadore ay isaga baxaaan dalkaasi Mareykanka.

Elizabeth Shackelford, oo ahayd wakiilkii dowladda Mareykanka u qaabilsanayd arrimaha Soomaaliya ayaa xilka iska casishay bishii December.

https://youtu.be/4aQ-YXDT2nU

 

Tayosamenews.com                                                                                                    Hargeisa/ office                                                                                                         Email:Tayosamenews@gmail.com      

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.