Saynis-yahankii Caanka Ahaa Ee Stephen Hawking Oo Geeriyooday

0
45

England (Tayosame news) Saynis yahankii Caanka ahaa ee lagu Magacaabi jiray Stephen Hawking oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalkaasi ingiriiska ayaa geeriyooday.

Stephen Hawking ayaa wax ka dhigi jiray Jaamacada University of Cambridge ee ku taala dalka UK waxana uu caan ku ahaa isla markaana lagu yaqaanay in ku takhasusay culuumta Sayniska Astronomy iyo Physics.

Hawking ayaa wax badan ka qoray cilmiga falaga, waxaana kamid ahaa buugaagtiisa sida weyn loo akhristo buug uu qoray sanadkii 1988 oo uu ciwaan uga dhigay A Brief History of Time.

Wuxuu dhawaan ku biiray aqoonyahanada soo dhaweeyey dhaq dhaqaaqa loo yaqaan (BDS) The Boycott, Divestment, Sanctions ee doonaya inay cadaadiska saaraan Israel inay xuquuqdooda siiso shacabka Falastiin, wuxuuna sanadkii 2013 diiday inuu booqdo Israel oo lagu casumay, kadib markii uu arrintaasi ka codsadeen aqoonyahanada ka soo jeeda Falastiin.

Markii ay da’diisu ahayd 21 sano jir ayaa waxa haleelay Cudurka ALS, Waxana uu ka dhigay Mid baralis ah kaasi oo ku faafay dhamaan Xubnaha Jidhkiisa.

Xanuunka ALS Muunoqon mid wax badan ka badala dhamman shaqooyinkii uu qaban jiray Stephen waxana uu sii watay hawlihiisa gaarka ah.

Hawking ayaa hada da’diisu waxa ay ahayd 76 Sano waxana uu ahaa Aqoonyahankan Caan ka ah dunida gaar ahaa Waxa aad u yaqaanay dadka baadha ama kuwa barta Cilimiyada Sayniska ee Astronomy iyo Physics.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.