Senetarada Xisbiga Republicanka Ee Maraykanka Oo Caayey Madaxwayne Trump Kuna Tilmaamay Beenaale iyo Inuu Burburinayo Dimuqraadiyada USA

0
75
Madaxwayne Donald Trump

USA: (Tayosame news) -Laba ka mid ah senetarada xisbiga Republican-ka Mareykanka ayaa wax ay si cad madaxweynaha ugu weerareen hadal, waxa ayna ku eedeeyeen madaxweyen Trump inuu burburinayo dimoqaraadiyada dalka iyo sumcada uu ku leeyhaya caalamka.

Jeff Flake – oo ah senetarka Arisona ayaa sheegay inuusan u tartameynin xilkaasi maadaama uusan dooneyn inuu qeyb kasii ahaado waxa uu ugu yeeray dabeecada ku dhisan taxadar la’aanta iyo sharaf xumada ka jirta Aqalka Cad.

Kol sii horreysay, Senetor Bob Corker oo Aqalka Cad ku matala oo sidoo kale iscasilaya ayaa ku tilmaamay madaxweyne Trump inuu yahya hoggaamiye aan run aqoonin.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in labadan senetar aana dib loo soo dooraneyn, madaxweyne Trump-na uu ka cod badnaa labadoodaba.

Mucaaradadan ayaa waxaa suuragala in ay Mr Trump ku adkeyso hirgalinta qorshihiisa sharci dejinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.