Sheekh Dirir: Dadka Waanada iyo Wax U Sheegu Anfaci Waayo, Waa In Hogaanka Dalku Gacan Bir Ah Ku Qabtaan

0
874

Hargeisa (Hargeisa Press) — Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ku baaqay in dadka waanada iyo wax-u-sheegu anfaci waayo, muhiim tahay in hogaanku gacan bir ah ku qabtaan, oo waa waslad liidatee, mujtamaca laga qabto.

Khudbadii Jimcaha maanta (Shalay) oo kaga hadlay halista dhulka oo la fasahaadiyo ayaa sheegay in Quraanku inna barayo in xumaanta kuwa u waaweyn uu fasaadku ka mid yahay. Fasaadka culimadu marka ay sharaxayaan waxay ku sheegaan in manfacii shay lahaa dhib loo rogo. Shay walba dhib iyo dheef ayuu leeyahay, waxaanu yidhi.

“Dalka, dadka iyo duunyada waxii dheef ay lahaayeen oo dhib loo rogo. Iyadoo neerfaha iyo awooda dadka xumaan-falayaashu xoog badato. Markaa shaygii si wanaagsan loo isticmaali lahaa, si xun loo bedelo.

Sheekh Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey sida Quraanku ugu waramayo shayga fasahaadka la yidhaahdo ayuu sheegay inuu ilaa kontomeeyo aayadood ka hadlaan, waxaanu yidhi.

“Quraanku ila akonton aayadood ayuu fasahaadka kaga hadlaa, afartan ka mid ah waxa la xidhiidhsan ereyga dhulka, dadka Ilaahay SW waxuu u diiday in dhulka la baabi’iyo, taasoo keenaysa in dadka iyo duunyaduna xumaadaan. fasaadku ummada raasamaalkeeda u weyn ee dalka ayuu ka kharaabiyaa.

Macnayaal ayuu quraanka dhexdiisa ereyga Fasaadku ku leeyahay ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi.

“Ilaa lix macne ayaa ku soo arooraysa, marka la is-raaciyo dadku dhibaatada ay geysteen iyo raadka ay reebayso. Mararka qaarkood ayey noqonaysa amacsida ay dadku geystaan, dilalka, dulmiga iyo gardaradda, sixirka iyo xumaantiisa, waxyaalahaasi waa dhibka dadku geystaan.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Quraanku inna barayo in fasaadku meelo badan galo, sida fasaadka fikriga ah, dadka hadii caqliga lagaga duulo, waxuu noqda mid dal iyo dadba xumeeya. Ilaahay SW waxuu aayad macnaheeda ku sheegay ‘Ilaahay SW wuu kala ogyahay qofka wax xumeeya iyo qofka wa hagaajiya.”

“Quraanku waxuu inoo sheegaya in waxa dadka fasahaadiya ka mid tahay raacitaanka hawadda ama rabitaankiisu hago. Ilaahay SW ayaa aayad inoogu sheegay ‘Hadii xaqu raaci lahaa rabitaanka, dad iyo dhulba wuu fasaadi lahaa. Inta badan qofka wax khariba waxa u sabab ah raacitaanka hawadiisa, taasina waa waxa dadka iyo dalku ku halaagsamaan.”

Fasaadka noocyadiisa wax ka mid ah ka siyaasadda, Fasaadka hogaaminta gala ayaa ugu khatarsan, waayo, dadku iyaga ayey ku deydaan, hadday sharka u hogaamiyaan oo wanaaga ka leexdaan, waa arrimaha keena in ummadahu baaba’aan. Ilaahay SW waxuu tilmaamay iyagoo ereyga fasaadka sheegaya ‘Dadka madaxda wax hogaamiya marka ay meel yimaadaan way kharibaan, dadkii sharafta lahaa hoos ayey u dhigaan, dadkii xumaana sarre ayey u qaadaan.’

Sheekh Maxamed oo tusaale ka bixinaya casrigan iyo siyaalaha gaaladu u adeegsadaan fasahaadka aya ayidhi.

“Casrigan Gaaladu marka ay wax tirakoobayaan, waxay ka waramaan fasaadka maalka, akhlaaqda, siyaasadda, maamulka, markaa caalamka Islaamka iyo Afrika ayey xaga dambe mariyaan, soomaalidana xaga sii dambaysa. Waa nasiibdarro in dadka muslimiinta loogu faanayo waa wax fasahaadiyaal, gaaladuna wax hagaajiyaal. Ha aqofku hadaanu imaan lahayn waa mufsid.

Waxyaalaha sababa fasaadka oo sheekh Maxamed ka hadlayey ayaa sheegay inuu ka mid yahay ka fogaanshaha shariicada islaamka sida Quraanku inna farayo, waxaanu yidhi.

“Dadku hadaanay diinta ku dhaqmayn, oo dawladooda isku xukumayn, xukuumad iyo shacab ma toosaan, fasaadkaasina dhaqan ayuu u noqdaa, sida Ilaahay Sw aayad inoogu sheegay ‘Waxa aan idin farayo ee raacida sharciga ah hadaydaan samayn, fitno ayaa iman doonta dhulka dhexdiisa, waxwalba way kharaabi doonaan. Aayad kale Ilaahay SW waxuu inoogu sheegay ‘Dadku hadii ay diinta Ilaahay SW ka sii jeestaan, waxaad u sheegtaa inay mufsidiin yihiin wax kharibaya, oon wax hagaajinayn, Ilaahayna SW wuu ogsoon yahay’. Qofku intuu sharciga Ilaahay Sw ku dhaqmayo waxuu u dhow yahay inuu wax hagaajinayo. Hadii qofku ama dadku saluugaan sharciga, islaax uma yimaadee, fasahaad ayey keentaa.

Noocyada fasahaadka waxa ka mid ah midka akhlaaqda, oo dadka akhlaaqdu ka lunto. Quraanku waxuu inna barayaa, inay tahay fasaad weyn, ummaduna waa akhlaaq, taasoo ka turjumaysa in dadku hagaagsan yihiin. Ilaahay SW oo ka waramayey sida gaaladu isula toosan yihiin, ‘Marka la yidhaahdo ka daaya dadka xumaanta, waxay yidhaahdaan annagu waxbaanu hagaajinaynaa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xilligan gaaladu u taagan tahay fasahaadinta akhlaaqda ummadaha, waa qadiyad aad u xun, arrin akhlaaqda ummada ku xun ayey odhanayaan waa ilbaxnimmo, waxaanu yidhi.

“Fasaadka waxa ka mid ah midka dhaqaalaha. Ummadihii Ilaahay SW halaagay qaar baa lagu halaagay dhaqaalaha oo ay ku xadgudbeen, sida Ilaahay SW aayad inoogu sheegay iyadoo qoom shucayb lala hadlayo ‘Dadku waxay leeyahiin haka nusqaaminina, dalkana ha kharibina. Markaa dadku inta ay diinta ku dhaqmayaan duunyada ayey hagaajinayaan, dadka ayey xaqooda siinayaan, hadii kale waxii duunyada gacanta ku dhiga.”

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey cawaaqibka fasaadka ayaa sheegay inay cadho Alle la kulmayaan dadka fasahaadka sameeya, sid Ilaahay SW inoogu sheegay aayad ‘Dadka iyo dalka waxay la dhexsocdaan inay fasahaadiyaan, Ilaahayna SW ma jecela cidda wax fasahaadisa waxaanu yidhi.

“Dadka wax fasahaadiya Ilaahay SW waxuu ku abaalmariyaa in waxqabadkoodu fashilmo, oo dadku ku heshiiyaan in wax la xumeeyo waa sida casriyadan dambe innagu badatee, dadku horumar diineed iyo mid aduunyo ma gaadhaan. Dadka haduu dhaqankoodu xumaado, shaqadoodu horumar ma yeelayo ayuu Ilaahay SW yidhi.

Ummaduhu madax iyo raciyad hadday ku heshiiyaan wax xumaynta, dadka wax wanaajinaya la yareysto, wanaagana la isku raaco, cawaaqibkoodu waa halaag.

Ilaahay SW waxuu ka waramay dadka aduunyadu ka xumaatay in aakhirana ka xumaanayso, ‘Janada qiimaha badan waxaan ugu talogalay kuw aaan kibrayn, fasaadna doonayn, cidhibta dambena iyaga leh.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey waxa cilaaj u noqonaya fasahaadka ayaa sheegay inay qeyb ka tahay daaweynta ummada, waxaanu yidhi,

“Wacdiga iyo waanada wagaasan in sare loo qaado, oo hadday kuwii xumaanta u taagnaa kulmeen in dadka wanaaga u taagna is-uruursadaan, sida Ilaahay SW yidhi ‘Samafalka iyo wanaaga isu-kaashada, oo xadgudubka iyo xumaanta iska ilaaliya’

Dadka waanada iyo wax-u-sheegu anfaci waayo waa in hogaanku gacan bir ah ku qabtaan, oo waa waslad liidatee, mujtamaca laga qabto. Qofna kitaabka iyo waxsheega aya ajoojiya, qofna awooda xukunka ayaa joojisa. Ilaahay SW ayaa yidhi ‘Xuduuda dadka la qisaasayo, nolol ayaa idiinku jirta’.

Munkarka aynu iska waaninayno ayey ka mid tahay kuwa Ilaahay SW Quraanka inoogu sheegay, waa inaynu is-miisaanaa xaalkeenu halkuu joogo, la taageeraa qofka wanaaga u taagan, qofka xumaanta wadanna laga dheeraado, Ilaahay daqiira xaqa dhamaanteen ha inna waafajiye, aamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.