Hargeisa (Tayosame News) Sida Ilo xogogaal ahi u sheegayaan waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Hargeysa laga dareemay Shirar & Kulamo u socday Madax-dhaqameedka Beelaha Harti,Garxajis & Gadabuursi oo fadhiyo gaar gaar ah, gooni gooni ah ku lahaa caasimada hargeisa.
Sida wararka ku dhaw dhaw shirkaasi xaqiijinayaan, waxa aad loo ilaaliyay xogta shirka si aanay xoggaha Kulamada & shirarka dhinacyada dhaqanka ee Beelahaas aan kor ku xusnay u socday Warbaahinta u gelin ama debeda ugu bixin ayaa aad loo xadiday Galaangalka Saxaafada Goobahay ku shirayeen taas la ajligeedna ay adkaatey in la helo Ajeendaha Shirka,Natiijada & Go’aamada ka soo baxay .
Kulankii ugu danbeeyay ama lagu soo gebagebeeyay oo isagu jiray Hadhimo & Fadhi qaatey waqti dheer ayaa Xogguhu sheegeen inuu ahaa mid ay Madax-dhaqameedka sadexdaa beelood isu-dhamaayeen, Axwashii & Maxsuulkii ugu danbeeyayna lagu kala qaatey.
Waxaana la filaaya inay saaka ka anbabaxaan ergadii shirkaas hordhaca Ah ka qaybgashay qaybihii gobolada ka yimi.