Shirkada Google Oo Basaasnimo Xoogan Kula Kacda Dadka Isticmaala Moobilada Casriga Ah

0
245

HRG (Tayosame news)  Shirkada Google ayaa raad raac ku samaysa telefoonada gacanta ee smartphones Android xataa marka barnaamijyada qayb ka mid ah apps ka loogu talagalay in lagu ogaada goobta ama locationka uu dansanyahay ama SIM kaadhka laga saaro telefoonka.

Telefoonada casriga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android waxay ururiyaan xogta ku saabsan goobtaada islamarkaana dib ugu soo diraan Google marka ay ku xidhan yihiin internetka, ayaa lagu sheegay baadhitaan dhowaan ay samaysay shabakadda Quartz news.

Wargeyska ayaa shaaca ka qaaday in telefoonada Android ay wali u diraan xogta goobta Shirkada Google xitaa markii adeegyadda goobta ama locationka uu xidhan yahay mana jirto wax ikhtiyaari ah oo lagu joojin karo.

Ka dib markii la soo bandhigay, aritaan Google ayaa ku xaqiijisay hadal inay u isticmaalayeen aritaasi si ay u ururiyaan cinwaannada mawjadaha 11 bilood si loo “xoojiyo” xawaaraha iyo adeega.

Shirkadda weyn ee tiknoolajiyadda ayaa sheegtay in ay goor dhaw joojin doonto dhaqankaasi taleefannada Android.

Si kastaba ha ahaatee, khabiiradu waxay yiraahdaan Google ayaa weli ogaan kara goobta dadka isticmaala telefoonada casriga iyagoo u adeegsanaya sida GPS, Wi-Fi, Bluetooth ama mararka qaarkood naqshadda cell mast..

Shirkada Google, ayaa iyada oo loo marayo barnaamijka internetka ee AdWorks, waxay ka iibisaa macluumaadka dadka adeega isticmaala goobahooda kuwa doonaya inay bartilmaamsan oo ay ogaadaan macaamiisha ku saleysan juqraafi ahaantooda.

Sannadkii 2013, Ninkii sirta Maraykanka bixiyay Edward Snowden ayaa sheegey in hay’adaha Mareykanka ee basaasiinta ay ururinayaan xogta gaarka ah ee dadka, oo ay ku jiraan malaayiin Maraykan ah iyo dad ajnabi ah iyo waliba hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.