Sir Culus: Calanka Soomaaliya Oo Dacwad Lagu Soo Oogay Iyo Cidda Sheegatay Ee iska leh

0
1196

Calanka Bluuga ah ee   Dawladda Federaalka Somalia  astaanta ka dhigato  waa calan hore u jiray oo   loo yaqaanay “Bonnie Blue Flag”.   Waa   calan  uu lahaa Confederate States of America  bilowgii dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Maraykanka  . Bonnie Blue Flag wuxuu  ka koobnaa  hal xiddig  oo cad  oo ku taalla  aag buluug ah.  Isticmaalkii ugu horeeyay ee calanka Bonnie Blue Flag wuxuu ahaa 1810 markii loo isticmaalay inuu metalo Jamhuuriyadda West  Florida oo ka koobnayd  Alabama, Mississippi  iyo East Louisiana,  oo ka soo horjeestay xukunkii Isbaanishka “ Spanish Rule “. Kacdoonkaas waxa  lagu afduubay Guddoomiyahii  Gobolka  Mr.  Baton Rouge. Madax-bannaanida Jamhuuriyadda West Florida   ayaa socotay muddo saddex bilood ah  waxaana  lasoo afjaray   markii la sii daayay  dhulkii lagu muransanaa ee dhul-beereedka ahaa  oo lagu kala iibsaday  heshiiskii Louisiana Purchase.   Taariikhdu markay ahayd 1836  waxa calanka “ Bonnie Blue Flag”   mid la mid ah oo loo bixiyay “ Barnet Flag “ samaystay  Congress of the Republic of Texas.  1861  waxa  Bonnie Blue Flag astaan rasmi ah ka dhigtay   Confederate States of America.  Sannadkii 2007 mid ka mid ah lixdii   calan  oo ka hadhay   “ Bonnie Blue Flags  “ waxa   lagu kala iibsaday   xaraash  ka dhacay Texas  qiimo dhan  $ 47,800 “    Gunaanad: Hadaba,  akhhristayaal,  waxaan halkan idiinku soo gudbinyaa Calankii “ Bonnie Blue Flag “    asagoo Sawir iyo Muqaalba  ah “  Photo & Video Clip “ . Waxa cad  in Calanka  Dawladda Federaalka Somalia  ee leh  Xiddiga  iyo Aaga Bluega   uu yahay Calankii  Bonnie Blue Flag  oo ay u kala danbeeyeen  Republic of West Florida ,1810   iyo Confederate States of America  1861 .

Waxa been  noqotay  sheekada odhanaysa  Calanka Somalia  waxa  hindisay  nin lagu magacaabo  Mohamed Awale Liban, 12th October,1954 .  Waxaan xidhiidh la sameeyay Hay’adaho  masoo’l ka  ah Taariikhda  & Dhaqanka  Maraykanka si calankaa tuugada ah ee Somalia isticmaasho  loo laa-laabo . Denbigaas  waxa  dersaaya oo  gacanta ku haya Lawyaro ku xeel dheer “ Copy Right Piracy & Infringement”.

Hoos ka daalaco Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.